golis

Madaxweyne Deni oo Ka Hadlay Qaabka ay Ku Soo Xuleen Guddiga Doorashada [DAAWO]

Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashadda Puntland oo uu soo magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada ee Garoowe.

Gudigan oo ka kooban 9 xubnood oo soo kala magacaabay madaxweynaha iyo gudooomiyaha barlamaanka Puntland.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadii dhaarinta ayaa sheegay in aqoon iyo waayo-aragnimo lagu soo xulay xubnaha guddiga, waxaa uu sheegay inuu ka rajaynayo guddiga inay noqda dhexdhexaad.

“Sidoo kale Madaxtooyada la-tashi badan oo dhaafsiisan cidwalba oo waxgarad ah oo reer Puntland ah anagoo eegayney marxaladdan cusub dadka ku haboon, xeerinayneyna habka uu guddigani u shaqayn karo, la-tashigaa wakhti badan buunaga qaatay runtii, Alle ayaan uga mahadcelinaynaa taladaas kadib inuu go’aankii idinka noqday, anaga dedaal ayaa nafaran, Alle ayaa idiin-gartay inaad ka mid noqotaan, maantana Alle hortii ayaad u dhaarateen inaad masuuliyaddaas qaadaan” Ayuu yiri Deni, wuxuuna sii raaciyay

“Duruufaha imaandoona anuu ka waramimaayo oo cilmi qayb ma ihi, waxaan cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda ka yimid inaanay caqabad ku noqondoonin doorashada, wixii kale idinkaa u joogidoona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisilyahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo kamida qabaa’ilada doorasho ayay kusoo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qorilahaa”. Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu Guddiga u xaqiijiyey in dowladdu wajibaadkeeda iyo taggeeradeeda shaqo, dhaqaale iyo taloba diyaar ulatahay, waxaana uu xusay in iyagana lagarabo shaqo hufan oo wakhtiyaysan, isla markaana waxa uu tilmamaay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u qabtaan Doorashooyinka Dowladdaha Hoose, talo iyo shaqo badan kadib”

Madaxweynuhu, ma soo hadal qaadin go’aankii madaxweyne ku-xigeenkiisu ku qaadacay magacaabida guddiga doorashada.

DAAWO

HORSEEDMEDIA