golis

Maxkamada Sare ee Puntland oo dib u dhigtay Kiiska Caaisho.

Waxaa saaka lagu balansanaa in ay maxkamada sare ee Puntland mar kale u fariisato kiiska Marxuumad Caaisha Ilyaas oo ahayd gabar kufsi iyo dil loo gaystay.

Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa saaka fadhigaas furtay waxayna Markale dib udhigtay ku dhawaaqista go’aankii Kiiska Marxuumad Caasho ilyaas oo la sugayay , Maxkamadu waxay sheegtay in loo fariisanayo Khamiista soo socota ee 22-ka bishan.