golis

Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Milateriga Federaalka ee Bariire

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Milateriga Somaliya Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar ururka Alshabaab ay ku soo qaadeen saldhiga ay ku leeyihiin degaanka Bariire ee shabeelaha Hoose.

Wuxuu sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire,halkaasina looga dilay 20-ka tirsan maleeshiyadooda halka tiro intaasi ka badana looga dhaawacay.

Taliyuhu kama hadlin tirada dhimashada iyo dhaawaca ah ee dhinacooda soo Faarax

ciidamada Milateriga dowlada Federaalka oo maalmihii.u dambeeyay howlgalo ka waday shabeellaha Hoose ayaa dagaal la galaxy maleeshiyaadka ururka Alshabaab oo ku xoog badan degaankaasi. Dagaalagaasi waxaa ku dhintay ciidamada ka tirsan Milateriga.

HORSEEDMEDIA