golis

Faallo: Xaqiiqada Khilaafka Madaxweyne Deni & ku-xigeenkiisa Axmed Karaash Xalkuse Muxuu Yahay?

Khilafka Deni iyo Axmed Karaash

Puntland waxay jirsatey 20 sano, muddada ay jirtey waa wakhti aad u dheer oo wax badan la qabtey wax badana laga gaabiyey, asaaskeedi waxaa muuqatey in awoodda la qaybsadey taas oo loo qaybiyey saddex. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa u horeeyey waxaa soo doortey ergooyin, kadib waxaa bilowdey doorashooyin Baarlamaani ah sanadkii 2005, waxaana lagu doortey qodobo dastuuri ah.

Doorashadii ugu horeysey ee baarlamaani ah waxaa lagu doortey Gen. Cadde Muuse Xirsi iyo Xassan Daahir Afqurac labadoodaba rabbi ha u naxariisto, doorashadaas waxay ahayd mid kamid ah kuwii ugu musuqmaasuqa yaraa, ma jirin dhaqaale badan oo doorashada iyo ololaha ku baxay mana jirin codad badan oo la kala iibsado, laakiin waxay ahayd mid taaktiko ku dhisan. La-taliyaasha Cadde Muuse waxay u sheegeen in Xassan Daahir Afqurac oo u tartama Madaxweyne ku-xigeen ay isagana u horseedi karto guusha Madaxweynaha, labadooda waxaa dhex-marey heshiis. Xassan Daahir waxa uu iska casiley xilkii baarlamaanka uu markaas ka hayey ee ahaa ku-xigeenka labaad ee guddoomiyaha, waxaana uu isu sharaxay Madaxweyne ku-xigeen maalmo yar ka hor doorashada, taasna waxay sababtey in Gen. Cadde Muuse taageero ka helo Xildhibaanada gobolka Sool iyada oo Madaxweyne uu kula tartamaayey Maxamed Cabdi Xaashi, waxaa la dhihi karaa Cadde & Xassan laba qof oo is og ayay ahaayeen si wanaagsana waa u wada shaqeeyeen.

Wax qarsoon ma ahayn in Cabdiraxmaan Faroole hoos ka watey Gen Cabdisamad Cali Shire, waxaana uu si weyn uga soo horjeedey in Saleebaan Xaglatoosiye noqdo ku-xigeenkiisa, waana ku guuleystey taas oo sababtey in ay si wanaagsan u wada shaqeeyaan.

Cabdiweli Cali Gaas waxa uu ku yimid si nasiib ah, waxaa la rumeysan yahay in aysan jirin Madaxweyne ku-xigeen ay wax isla ogaayeen, waxaana ay noqotey guushii isaga (Gaas) iyo Cabdixakiin Xaaji Camey, waxaa si weyn loo xusuustaa in Cabdiweli Cali Gaas ahaa oday nabadeed oo khilaafka saaxiibkiis ka imaanayey uu si hoose u xalinaayey.

Wax kasta waa is bedeleen

Doorashadii 2019 wax kasta waa is bedeleen, waxaa cirka isku shareeray dhaqaalaha doorashada ku baxaayey, waxaana lagu qiyaasaa in 2019 ay gaartey 24 milyan dollar oo doorashada ku baxdey, Musharaxiinta Madaxweynaha waxaa ku adkeyd in ay si muuqata ama qarsoon ula heshiiyaan musharixiinta Madaxweyne ku-xigeen.

Qaar kamid ah taageerayaashii la shaqeeyey Madaxweyne Deni waxay xiriir dhaw ay lahaayeen Musharax Cabdi Qawdhan, halka Gen Asad Cismaan ay xiriir dhaw lahaayeen Timacadde, laakiin waxaa dhamaantood ka duwanaa Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaana uu xiriir dhaw la lahaa musharixiinta badankood, waxa uu isku arkaayey in uu yahay odaygii gobolka Sool iyo Cayn, waxaana nasiibku noqdey in isaga (Karaash) iyo Madaxweyne Deni loo doorto in ay dalka hoggaamiyaan.

Dastuurku sida uu qabo waa in la doorto Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisa, laakiin waxaa nasiib darro ah in labadoodu aysan isku tigidh ahayn ama aan la isla dooran sida caalamka ee midkasta goonidiisa loo doorto, Madaxweyne Deni waxaa lagu doortey Tayo iyo Tiigsi, laakiin Axmed Karaash waxaa lagu doortey Halgan iyo Hoggaan, waxaa la aaminsan yahay in lagu doortey in uu yahay qof wax ka qaban kara xaaladda gobolka Sool iyo dhulka dastuuriga ah ee ka maqan gacanta Puntland.

Haddaba labada hoggaamiye waa Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Cilmi Cismnaan Karaash waxay ka soo kala jeedaan laba mac-had oo kala fog. Deni waxa uu ahaa Ganacsade kadibna waxa uu noqdey Siyaasi waa nin qunyar socod ah, kuna soo bar-baarey ka shaqeynta arrimaha diinta iyo waxbarashada. Axmed Karaash waxa uu soo shaqeeyey tan iyo Dowladdii hore ee Soomaaliya, waxa uu Puntland wasiir ka soo ahaa tan iyo sanadkii 2009, kadib waxa uu noqdey asaasayaashii Khaatumo, waa nin jamhad ah, ciidamo jamhadeysan ku xiran yihiin hub fara badana gacanta ku haya.

Xaqiiqada Khilaafka ee Deni iyo Karaash

Guushii doorashada 2019 kadib labada masuul waxa ay ka wada shaqeeyeen soo dhisidda xukuumadda, waxaana jirtey nidaam heshiis la isaga ahaa sida in Madaxweyne ku-xigeenka lagu ixtiraamo wasiirada ka imaanaya Sool, Sanaag iyo Cayn halka Afhayeenka golaha wakiilada lagu ixtiraami jirey Wasiirada gobolka Sanaag. Khudbadii koobneyd ee Madaxweyne Deni ka jeediyey fadhigii Baarlamaanka lagu horgeeyey Xukuumadda waxa ka muuqatey in aanu ku qanacsaneyn xukuumadda uu soo dhisey oo siyaasiyiin majaha qabteen.

Fariinta labaad ee soo baxdey ayaa ahayd Madaxweynaha oo safar ku maqan in Wasiirka maaliyadda Xassan Shire isku dayo in uu hor istaago lacago Madaxweyne ku-xigeenku soo qoray, waxa taas raacdey in Axmed Karaash uu buuxiyey booska Agaasime waaxeed uu baneeyey Wasiirka maaliyaddu ee wasaaradda Xanaannada Xoolaha, waxa uu xilka ka qaadey Agaasime waaxeed ka tirsanaa Wasaaradda Qorsheynta una magacaabey mid kale. Madaxweyne Deni markii uu dalka ku soonoqdey waxay Karaash ka wada hadleen isbedalada uu sameeyey, laakiin Axmed Karaash waxa uu ku adkeystey in dastuurku awood u siinayo in uu dalka maamulo inta Madaxweynuhu ka maqan yahay oo uu yahay siihayaha Madaxweynaha qabana karo shaqadiisi, arrintan waxay sababtey muran dastuuri ah waxayna ahayd bilowga kala shakinta.

Awoodda Madaxweyne-kuxigeenka dastuurku siinayo

Marka hore dastuurka Puntland iyo qaab dhismeedka Golaha awoodda fulinta iyo Golaha sharci dejintu waa mid is khilaafsan. Dastuurka Puntland waxa uu ka hadlaa Baarlamaan shacabku soo doortey oo xisbiyo ku dhisan iyo Madaxweyne iyo ku-xigeenkiis Baarlamaan la soo doortey ay doortaan, sidaas darteed waxa lagu shaqeeyaa oo lagu dhisaa haykalka dowladnimo waa lifaaq dasuurka la socda.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xaq u lee yahay in Madaxweynuhu kala tashado shaqooyinka waaweyn ee socda sida dhismaaha xukuumadda, dhismaha guddiyada, dhismaha golaha garsoorka iwm. Wadatashiga maahaan mid ah waan kuu sheegay ama i waaqaf ama ha i waafaqin, ee waxa la doonayaa in uu ku dhisan yahay in la isugu yimaado meel dhex-dhexaad ah ama wax la isu oggol yahay (consensus). Haddii kale waxay noqoneysaa in Madaxweyne ku-xigeenku noqdo Sanam ama wax-matare, maxaa loo dooranaayey? maxaa dastuurka loogu daray?, sidoo kale waxaa meesha ka baxay awood qaybsiga la asteeyey 1998, maxay tahay sababta Madaxweyne ku-xigeenku uga imaan waayey gobol kale, sabab ayaa loo dooran waayey Saadiq & Salwe, waxa la doonayaa in Puntland la isku hayo, haddii jiritaan ahaan (physically) la isugu hayn waayey oo awood loo sheegtey dhulkeedi waxaa lagama maarmaan ah in si kale la isugu hayo, haddii dhulkii maqan yahay dadkii ayaa jooga.

Khilaafka magacaabista guddiga doorashooyinka

Khilaafka u danbeeyey ee dibadda u soo baxay ayaa ahaa kadib markii Madaxweyne Deni dhamaystiray 9 Xubnood ee Guddiga Kumeel-gaarka ah Doorashooyinka Puntland. Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu sheegay in aan lagala tashan dhismaha guddigaas, sidoo kale sifo sharci ah aan loo marin ayna baal marsan tahay Lifaaqa dastuurka qodobkiisa 1aad. Haddaba sida Horseed Media ogaatey khilaafkan waxa uu salka ku hayaa magacaabista labada xubnood ee ka imaanayey gobolka Sool. Sida horey loo ogaa waxay ahayd arrin ka dhexeysey labada masuul ee dalka u sareeya, in ay kala tuurtaan ama talo wanaagsan la geliyo Madaxweyne ku-xigeenka. Wararku waxay sheegayaan in mid kamid ah xubnaha guddiga doorashada uu keenay Xildhibaan ka soo jeeda degmada Buuhoodle.

Waxaa jira muran kale ee aan weli si weyn u soo shaac bixin kaas oo ah mawqifka Madaxweyne Deni ee Somaliland iyo dhulka ay Puntland ka haysato, kalfadhigii Baarlamaanka ee soo xirmey waxaa Xildhibaanadu dalabadeen in Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu baarlamaanka hor yimaadaan si wax looga weydiiyo qaddiydda Sool, Sanaag iyo Cayn laakiin waa ka cudurtaartey Madaxweynaha, waxaa jira guux sheegaya in uu jiro heshiis qarsoodi ah oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland. Madaxweyne Deni waxa uu ku dhawaaqey in uu wada hadal diyaar u yahay uu la galo Somaliland, laakiin Somaliland waxay sheegatey in ay ka wadahadli karaan Puntland colaada Tukaraq oo keliya.

Khilaafku waxa uu xumeyn karaa Sumacadda Puntland

Puntland waxay dooneysaa in ay ka baxdo nidaamka beelaha ku dhisan waxaana la doonayaa in loo gudbo nidaamka Xisbiyada ku dhisan, haddaba haddii khilaafku ka bilowdey magacaabista guddigii ka shaqeyn laha, waa maxay fariinta ay caalamka iyo cidkasta oo ku taageeri alahayd ay gaarsiineyso waa maxay saameynta ay ku yeelan karto gobolada Puntland, waxa loo baahan yahay waa bisyel siyaasadeed maahan in loo ekaado maamul goboleedyada aan qaan-gaarka ahayn.

Gebagebo

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan waxaa laga doonayaa in uu isu arko in uu Puntland oo dhan Madaxweyne ku-xigeen u yahay oo aanu markasta u doodin qaddiyad gaar ah, waxaa la gudboon in uu la shaqeeyo Madaxweynaha oo aanu horseed u noqon Puntland oo kala daadata, waa oday Puntland tiir u ah khibrad leh, waxaa habboon in arrimaha caynkan oo kale ah aanu si degdegah banaanka ugu soo saarin.

Madaxweyne Deni waxaa laga doonayaa in uu wadatashi la yeehso Madaxweyne ku-xigeenka, waxa lagu xamanayaa in uu samaystey la taliyaal kale, oo uu kaga maarmey kuwii dastuuriga ahaa, Madaxweyne ku-xigeenka waxaa loo doortey si lamid ah Madaxweynaha, waa sii hayaha xilka Madaxweynaha marka u maqan yahay, haddii kala shaki iyo khilaaf shaqadoodu ku dhisan tahay kaas oo bilowdey sanadkii u horeeyey waxay noqoneysaa “Walee reer aan ogahay ma guuraan”

Maxamed Cismaan
Horseed Media