golis

Laftagareen oo Dhaliilay Tayada Ciidamada Milateriga Federaalka ee Guutada 8aad iyo 60aad [SAWIRRO]

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Laftagareen oo la kulmay saraakiisha Ciidamada milateriga dowladda Federaalka ee Qaybaha 8aad iyo 60aad ayaa dhaliilay tayada iyo waxqabadka ciidamadaasi

Wuxuu sheegay in ciidamadaasi yihiin kuwa ugu liita, marka loo eeggo Ciidamada milateriga ee dowladda federaalka.

“Ciidanka Guutada 8aad iyo kuwa 60aad iyo Saraakiishooda waa kuwa ugu liita Ciidamada Qaranka, inay wax taraan iska daaye dhibaatada dadka ay ku hayaan ayaa badan.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed, isagoo sii raaciyay “Ciidanka guutada 8aad kuligood waxaa ay ka shaqeynayaan qabiil, subaxdii shaqo aan shaqadiisa ahayn ayay ku mashquulsan yihiin oo dhulal ay dad u cabirayaan.”

wuxuu kula dardaarmay kula dardaarmay Inay ka fogaadaan u dirirka Arimaha Qabiilka Waxaana uu ugu Baaqay inay ka shaqeeyan Hore usocodka, Ka mira-dhalka Hanaanka Dowladeed iyo la dirarka cadowga Nabad diidka Al-Shabaab sdii aan ugu xureyn laheen Deegaanada Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilal ka dhacay Magaaladda Baydhabo toddobaad ka hor.

HORSEEDMEDIA