golis

Maraykanka oo 66 Diyaarad dagaal ka gadaya Taiwan xili China ay soo saartay Digniin

Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa shaacisay in la fasaxay hubkan laga iibinayo Jasiirada Taiwan oo dooneysa inay gadato 66 diyaaradaha F-16 oo ay ku baxeyso lacag dhan 8 Bilyan oo dollar.

Dowlada China oo u aqoonsan Taiwan gobal kamid ah dhulka Shiinaha ayaa horey uga digtay Maraykanka inaysan hubkan ka iibin dowlada Taiwan.

Xukuumada Taiwan ayaa dooneysa inay xoojiso difaaceeda cirka maadaama ay si joogto ah diyaaradaha China ugu soo xad-gudbaan hawadeeda.

Go’aanka Maraykanka ayaa lagu soo beegay xili Maraykanka iyo China ay ka dhex taagan tahay dagaal ganacsi oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha labadaasi dal.

Horseed Media
News Desk