golis

Sarkaal iyo Ciidamo Ka soo Goostay Somaliland oo ku Soo Biiray Puntland.

Taliyihii Ciidamada Somaliland ee Aaga degmada Baran Gurey Cismaan Saalax iyo ciidamo uu watay ayaa u soo wareegay dhinaca maamulka Puntland sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Deperani.

Wuxuu sheegay in dhammaan ciidankii uu watay ay si rasmi ah ugu soo biireen maamulka Puntland.

Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Dowladda Puntland.

Afhayeenku waxa uu xusay in madaxda sare ee Puntland ay dadaal ku bixiyeen soo wareegida ciidamadaasi iyo taliyahaasi

Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni dadaalkii uu ku bixiyey arrintan, sidoo kale dhammaaan Masuuliyiintii dowladda ee ka qeyb qaadatay arrintan sida Guddoomiyaha Gobolka Cali Xuseen, xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guurti Cali Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, ayaan u mahadcelinaya

Taliyaha ka soo goo stay Somaliland Gurey Cismaan Saalax

Maamulka Somaliland weli kama hadlin ciidamada la sheegay inay ka soo goosteen. dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa maamulka Somaliland ka soo wareegay ciidamo iyo Taliyayaal, kuwasoo markii dambe xilal looga magacaabay Puntland.

HORSEEDMEDIA