golis

Trump oo laalay Sharuucdii difaacayey Caruurta Qaxootiga ah

Sharci cusub oo ay soo saartay xukuumada Washington ayaa sheegaya in dadka qaxootiga ah oo ay ku jiraan Caruurta aan qaan gaarin in xeryaha xabsiga ah lagu heyn doono illaa intii la doono.

Sharcigii hore ee dalkaasi ka jiray ayaa qeexayey in Caruurta aan qaan gaarin lagu heyn karin xeryaha in ka badan 20 maalmood inta ay sugayaan dhageysiga dacwadooda ay ku codsanayaan magangelyada.

Xukuumada Trump ayaa ku dooday in sharuucdii hore ee la xariiray dadka qaxootiga ah iyo kuwa soogalootiga ay ahaayeen kuwo dhiirigelinayey in dadkaasi ay yimaadaan Maraykanka, wuxuuna ololahan qeyb ka yahay cadaadiska uu maamulka Donald Trump saarayo dadka magangelyo doonka ah.

Horseed Media
News Deks