golis

Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo U Hambalyeeyay Axmed Madoobe

Maxamuud Mashruuc oo ka mid ah xildhibaanada aqalka Sare ee federaalka ayaa Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ugu hambalyeeyay doorashada loo doortay madaxweynaha jubbaland ee 4ta sanno ee soo scoot.

Xildhibaan Maxamuud Mashruuc

Wuxuu ugu baaqay axmed Madoobe inuu mideeyo shacabka Jubbaland, kana gudbo jawiga uu doorashada uu ku galay

“Waa xaqiiq in dooorashadu ay ku dhacday duruufo siyaasadeed cakiran, kana tarjumeysa fasahaadka siyaasadeed ee dalka hareeyay in muddo ah iyo cabdsida aalaaba laga qabo faragelinta qaawan ee dawladda dhexe ka geysato doorashooyinka dawladaha xubnaha ka ah dawaldda federalka Soomaaliya, sida doorashadii Koonfur Galbeed iyo Puntland” ayuu yiri xildhibaan mashruuc oo qoraal soo dhigay bartiisa facebooga.

Dhinaca kale, wuxuu ka codsaday dowladda federaalka ee Soomaaliya inay la shaqeeyaan Axmed Madoobe

“Si looga fogaado dib dhac ku yimaada wada shaqeyn heerarka kala duwan ( heer Federal iyo. heer Dawlad goboleed) muuddada kooban ee ka harsan muddo-xileedka hay’adaha Dawaladda Dhexe; waxaan ugu baaqayaa Dawladda Dhexe iyo Dawaladah xubnaha ka ah Dawladda Drexel in ay la shaqeeyaan Madaxwaynaha la doortay” ayuu yiri

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.

Gabagabadii, Xildhibaan Mashruuc wuxuu ka codsaday beesha Caalamka Beesha inay ka fogaadaan ku milanka khilaafka u dhaxeeya
Soomaalida

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay inaysan aqoonsanayn doorashadii madaxtinimo ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

HORSEEDMEDIA