golis

Muqdisho:Xafiiskii Booliiska Adduunka ee Interpol oo Dib Loo Furay 30 Sanno Ka Dib

Magaaladda Muqdisho Waxa albaabada loo furay xafiiska booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, kaasi oo si isku-xiri doona ciidanka xooga bileyska Somalia iyo bileyska ku sugan dhammaan daafaha adduunka, u diyaargarowga X

Xafiiska waa si wadajir dib ugu furay Ku-Xigeenka bileska Sakiya Xuseen iyo Madaxa sarre ee hay’adda EUCAP Somalia Maria-Cristina Stepanescu.

Muhiimadda koowaad ayaa ah in bileyska Somalia uu qaban karo sugidda ammniga shacabkooda, inkastoo fal-dambiyeedyadu ay kor u sii kacayaan caalamka, haddana isu-dubaridka sidii loo midayn lahaa xoojinta sharciga dhammaan cida ku lug leh, ayaa waxay muhiimad weyn u leedahay sidii loola dagaalami lahaa fal-dambiyeedyadda abaabulan, sida ka gacanacsiga dadka oo lagu xad-gudbo xorriyadooda. Maamulka Dawladda Soomaaliya, waxay u baahanyihiin, una heelan yihiin siday uga qaybqaadan lahaayeen ammniga caalamka” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga EUCAP Som

Ururka bilayska caalamiga ah ee dambiyada (INTERPOL), ayaa waxa la aasaasay sannadkii 1923 iyo iyada oo dalka Somaliya uu xubin ka ahaa tan iyo sannadkii 1975, iyada oo xafiiska shaqadiisu ay soo gaadhay ilaa sannadkii 1991. Inkasta oo dalka Somalia uu wali ku dheganaa xubinimada INTERPOL, iyadoo labaatanayo sanno oo khilaaf ka taagnaa dalka aanay suurtogal noqon in xafiisku ka shaqeeya dalka, hadaba sannado badan kadib iyo xaaladda deganaanshaha oo dib u bilaabantay, ayaa keentay in dib loo bilaabo shaqada INTERPOL ee dalka Somalia iyo iyada oo ay hadda tahay suurtogal in shaqadii laga bilaabo, sidoo kale hay’adda EUCAP Somalia ayaa gacan ka geysatay hirgelinta hawshan.

HORSEEDMEDIA