golis

Imaraadka oo Abaalmarinta Ugu Saraysa Guddoonsiiyay Ra’isul Wasaaraha Hindiya

Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Mondi ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta ugu saraysay ee ay bixiso dowladda Imaraadka Carabta

Dhaxal sugaha Imaraadka Maxamed Bin Zayid Alnahyan ayaa magaalada Abu-dubai ku guddoonsiiyay Ra’isul Wasaare Modi abaalmarinta ZAYID Medal, taasi oo ay ku sheegeen inay mid kor u qaadaysa xiriirka Imaraadka iyo Hindiya.

Go’aanka imaraadka ayaa muran badan ka dhaliyay baraha bulshada iyo guud ahaan Caalamka Islaamka in abaalmarin la guddoonsiiyo Ra’isul wasaaraha Hindiya oo bishan laalay Qodobka 370 ee dastuurka dalkaasi ee u fasaxay gobalka Muslimiinta Kashmiir ismaamul u gaar ah.

Maxamed Bin Zayid oo loo yaqaan MBS ayaa ku yiri Ra’isul wasaare Modi ” Waad mudan tahay Abaalmarinta” iyagoo isgacan qaaday, laabtana isgaliyay.

Imaraadku wuxuu taageeray Go’aanka Ra’isul wasaaraha Hindiya iyo Xisbigiisa xagjirka ah ee BJP ay ku burburiyeen ismaamulka gobolka Kashmiir.

Ciidamada Hindiya ayaa saddex toddobaad ee la soo dhaafay ayaa bandow 24 saac kus oo rogay gobolka kashmiir waxayna xabsiga dhigee qaar kamid ah siyaasiyiinta waaweyn ee gobalkaasi xilalka kasoo qabtay iyo 4000 kun qof.

HORSEEDMEDIA