golis

Kismaayo:Garoonka iyo Xarumaha Dowladda Oo Dib u Bilaabay Shaqada

Magaaladda Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa dib u shaqa bilaabay xarumihii dowladda sida garoonka diyaaradaha, Dekeda iyo xarumaha kale ee dowlada kadib markii ay xirnaayeen saddex maalmood ee la soo dhaafay.

Maamulka jubbaland ayaa xiray xuduudaha Kismaayo xiligii lagu jiray doorashadii madaxtooyadda Jubbaland oo 22kii bishan dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaan muddo 4 sanno ah.

Garoonka magaalada Kismaayo ayaa dib u shaqa bilaabay, kaasi oo diyaaradihii u horreeyay oo ka yimid caasimadda muqdisho iyo wadamada deriska ah ay soo farisiteen, waxaana magaalada laga dareemaya jawi daganaansho ka dib markii ay magaalada ka dhaceen dibad baxyo lagu taageerayay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Jawiga iyo Cimilada Magaalada ayaa u muuqda kuwa aad uga qabow sidii hore waxaana magaalada ka da,ay Roobab aan saameyn badan ku yeelan isku socodka gaadiidka iyo dadweynahaba.

HORSEEDMEDIA