golis

Ururka Iskaashiga Islaamka oo Jabuuti Ka Taageraya Xubin Ka Noqoshada Gollaha Ammaanka

Xogyaha ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa ku booriyay xubnaha ururka inay taageeraan dadaalka dowladda Jabuuti ku doonayso inay xubin ka noqoto 15 xubnood ee gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay.

Qoraal uu ururku soo saaray ayuu ku ballanqaaday in dowlada Jabuuti ay ka taageerayaan ka mid noqoshada gollahaasi oo labadii sanadoodba mar la doorto 10 dal oo aan xubno joogtoa ah ka ahayn gollaha.

Dowladda Jabuuti ayaa toddobaadkii hore ku guuldaraystay codbixintii uu sameeyay Ururka Midowga Afrika, kaasi oo dowladda Kenya loogu ogolaaday in qaarada afrika u metelo doorashada Kursiga Xubna gollaha ammaanka oo ay hadda ku fadhido wadanka Koonfurta Afrika.

Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa xubno ka ah 57 Dal oo dhammaantood xubno ka ah ururka, inkasoo aan la ogayn in wadamadaasi ay wada taageeri doonaan ololaha Jabuuti.

HORSEEDMEDIA