golis

Machadka Hayaan Institute oo qabtey tababarkii saddexaad ee Dhismaha Nabadda #Safarkanabadda

Machadka Hayaan Institute ayaa maanta oo Axad ah 25 Agoosto 2019 ku qabtey magaalada Garoowe ee xarunta Puntland tababarkii saddexaad ee dhismaha nabadda iyo ka fogaanshaha rabshadaha ee barnaamijka Safarka Nabadda, tababarkan ayaa ah kii saddexaad oo machadka Hayaan uu qabto, oo ku saabsan dhismaha nabadda iyo xalinta khilaafaadka, waxaana ka qayb qaadanaya 16  dhalinyaro ah kuwaas oo qayb ka ah 50 dhalinyaro ah oo tababarkan loogu talo galay.

Tababarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa, culeyska lagu saarayaa macnaha nabadda iyo qiimaha ay bulshada ugu fadhido, ka fogaanshaha rabshadaha iyo in aysan dhalinyaradu qayb ka noqon, sida lagu xaliyo khilaafaadka, waxaana dhigaya macalimiin khibrad u leh.


Labadii bilood ee u danbeysey machadka Hayaan Institute wuxuu soo tababaray laba kooxood oo noqonaya Peace Ambassadors la doonayo in ay ka shaqeeyaan nabadda.

Faafin Horseed Media