golis

Madaxweyn Deni oo Garowe Ku Martigalinaya Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland

Madaxweyne Siciid Cabdillaahhi Deni ayaa sheegay in xukuumadiisu diyaar u tahay in caasimadda Garoowe ku martigaliso wadahadlada dowladda federaalka iyo Somaliland iyo dooda maqaamka caasimadda Muqdisho

Madaxweynah ayaa hadalkan maanta ka jeediyay furitaanka shirka labaad ee Doodadaha Xagaaga, kaasoo sanadkii labaad lagu qabtay magaaladda Garoowe.

“waxaana ku baaqaynaa kulamada geedi socodka Soomaaliya looga hadlayo inay Puntland aad u soo dhawayso. Waxaana jeclaan lahaa halkaan inaan maanta ka sheego inay Puntland diyaar u tahay inay marti galiso qodobada aadka looga doodo oo mar walba soo noqnoqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho in Garoowe looga hadlo ayaan soo dhowaynayaa”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni, wuxuuna sii raaciyay

““arrinta Somaliland iyo Somaliya waa caqabad kale oo hortaagan dastuurka, annigu sidaas u dhigi maayo  Somaliya iyo Somaliland wax la yiraahdo, laakiin waxen qabaa walaalaheen gobolada waqooyi jira ama Somaliland inay Garoowe yimaadaan oo dooda ka qaybqaataan oo doodaha ay qabaan soo dhawaystaan, inaan doodeena dhiibano oo dadka la hadalno kama baqayno, dadka reer Puntland waxaan ku boorinaynaa inay ka baqin”

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay machadka Sidra iyo wasaaradda arrimaha gudaha Puntland , waxaa waxaa ka qaybgalay Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Madaweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Goleyaasha heer Faderaal iyo heer dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe, Aqoonyahano, Cilmi Baarayaal iyo Marti sharaf kale oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada.

HORSEEDMEDIA