golis

Madaxweyne Xaaf oo xil ka qaadis ku sameeyay wasiir ka tirsan Galmudug.

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa xil ka qaadis ku sameeyay wasiirkii wasaarada Qorshaynta Cabdikaafi Maxamed Maxamuud, Madaxweyne Xaaf ayaa Hay’adaha Dawlada iyo cidii la shaqayn jiray wasiirka ku amray in hadda ka dib aysan wax shaqa ah dhex marin.

Isla digreetadaan waxaa lagu magacaabay sii hayaha xilka Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Galmudug oo loo magacaabay Wasiiru dawlaha Wasaaradaas Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan.

Khilaafkaan cusub ee soo kala dhex-galay Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo Wasiirka Qorshaynta. Xaaf ayaa horay u shaaciyay inuusan u tartamayn xilka Madaxweynaha Galmudug. Waxaana deegaanadaas ka socda shirar dib u heshiisiineed iyo kuwa ka xiriira abaabulka doorashada.

Wasiirka Qorshaynta Galmudug ayaa dhankiisa weli ka hadlin xilka qaadista lagu sameeyay.