golis

Wasiir Gallan oo Sheegay in Ciidankii Ka Soo Goostay Somaliland Lagu Daray Kuwa Puntland

Wasiirka arrimaha ammaanka ee dowlada Puntland c/samad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ciidamadii ka soo goostay maamulka Somaliland ee fariisinkoodu ahaa magaaladda Badhan lagu daray ciidamada Puntland.

Wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland ka soo goostay ay ka mid yihiin taliyihii ciidanka xeebaha Somaliland ee Aaga Laaqoray iyo ciidamo uu wato.

” Waxaa dhinaca Puntland ku soo wareegay Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Yaasiin Guray Cismaan Saalax iyo Taliyihii ciidamada Xeebaha aaga Laasqoray ee Somaliland ee Maxamed Case Cabdi Xasan iyo ciidamo ay wataan, Tiknikadoodii iyo qalabkii ay wateen,xeryihii ay ku shaqeenayeen dhammaan waxy ku soo wareegeen” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu u hambalyeeyay ciidamada cusub ee ka soo goostay Somaliland iyo dhammaan dadkii ka qaybqaatay in ciidamadaasi ku soo wareegaan dhinaca Puntland.

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu ka hadlay xeerar ay wasaaradu ka shaqaynayso kaasi oo dhawaan la Horgayn doono gollaha wasiiradda Puntland.

Wasiirka Amniga Dowladda Puntland oo Garoowe kulan kula qaatay

Wasiirka Amniga Dowladda Puntland oo Garoowe kulan kula qaatay Taliyaasha ciidamada Puntland ayaa hadalo soodhawayn ah ujeediyay ciidamada shalay ka soo baxay Somaliland wuxuuna dhinaca kale fariin u diray shacabka gobolka Sool.

Posted by Puntland State TV on Saturday, August 24, 2019

HORSEEDMEDIA