golis

42 Shaqaale oo Ka Howlgalayay Garoonka Hargaysa oo Shaqada Laga Joojiyay

42 Shaqaale oo ka howlgalayay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargaysa ayaa maamulka Somaliland wuxuu ka joojiyay shaqadii ay hayeen.

Shaqaalahan ayaa loo haystack inay soo caddy waayeen in aanay ka mid ahayn shaqaalihii ay dowladda federaalka Soomaaliya kala wareegtay hay’adda duulimaadyada hawada ee qaramada Midoobey (ICAO).

Shaqaalahan ayaa ka howlgali jiray qaybaha hagidda diyaaradaha, Maamulka macluumaadka hawada, Saadaasha hawada , Dabdamiska, injineerada qalabka hawada iyo qayb kale, waxayna mushahar ka qaadan jireen hay’adda ICAO.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kala wareegtay Hay’adda ICAO maamulka hawada sare ayaa qaar ka mid ah shaqaalihii ka howlgalayay Hargaysa waxay u soo wareejinaysaa Garoomada diyaaradaha ee Magaalooyinka Muqdish iyo Bosaso.

HORSEEDMEDIA