golis

Ahlu Sunna Oo Sheegtay in DF Dagaal Qaawan Ku Soo Qaaday [WARSAXAFADEED]

Ururka Ahlu sunna waljamaaca ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay duulaan qaawan ku soo qaaday degaamada Galmudug, islamarkaana ay ka baxeen heshiiskii ay la galeen dowladda.

Qoraalka waxay ku sheegeen in ciidamada dowladda federaalka ee ku soo duulay Dhuusamareeb ay garwadeen ka yihiin madax ka tirsanayd ururka Alshabaab, kuwasoo ay ku eedeeyeen inay meesha ka saareen nabadgelyadii ka jirtay degaanka.

Ahlu sunna waxay ugu baaqeen ciidamada taageersan iyo shacabka Galmudug ay diyaar garoobaan difaaca naftooda, maalkooda iyo nabadgelyada dalkooda.

“ Beesha Caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya waxaan u cadaynaynaa in dhibaatada halkaas ka timaada ay DFS masuul ka noqonayso. Waxaa kale oo aan beesha caalamka u soo jeedinaynaa in ay doorkeeda ka qaadato arrinkan” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka

Gabagabadii, Ururka Ahlu Sunnah waxay sheegeen in ciddii ku soo duusha magaca Amisom ay u arkayaan inay yihiin kuwo ku soo duulay inay qabsadaan Galmudug.

HORSEEDMEDIA