golis

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo Soo Saaraysa Fiisooyinka Caafimaadka ee Hindiya

Wasiirka caafimaadka dowladda Puntland Jaamac Faarax Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe ayaa ka warbixiyay dhakhaatiir wadanka Hindiya ka timid, kuwasoo muddo 10 maalmood ah ka howlgalaya Cusbitaalka Garoowe.

Wasiirku wuxuu sheegay in Dhakhaatiirtan oo ka koobnaa 4 qof ay arki doonaan oo la talin iyo daaweyn u samayn doonaan dad farabadan oo guud ahaan goboladda dalka isaga imaanaya, hase yeeshee ayan dhakhaatiirtaasi samayn doonin wax qaliin ah sida markii hore la sheegay.

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaradda caafimaadka Puntland ay ka caawin doonto Fiisooyinka Hindiya dadka bukaanka ah ee doonaya in dalka dibadiisa isku soo daaweeyaan.

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo soo Saaraysa Fiisooyinka Hindiya

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo soo Saaraysa Fiisooyinka Hindiya ee Caafimaadka

Posted by Horseed Media on Tuesday, August 27, 2019

HORSEEDMEDIA