Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe oo tabi doono Gen. Bashiir Goobe

Published: August 28, 2019

Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa la dhisay 100 sano ka hor, waana dareemi kartaa tirada dadka xiligaas ku sugnaa Muqdisho. Burburkii Dowladii dhexe kadib oo aan la dayactirin ayaa waxaa uu ka dhigay mid ah xabsiyada ugu xun caalamka, sababtoo ah qolalka 5 mitir ah ayaa waxaa lagu xiraa 60 maxbuus, taas oo sababta inuu qofku mararka qaar uu waayo xataa meel uu salka dhigo iskaba daa inuu helo meel uu seexdo.

Markii loo soo magacaabay Gen. Bashiir Maxamed Jamac “Goobe” hortaantii 2015-ka wuxuu isbadal deg-deg ah ku sameeyey nolosha maxaabiista. Wuxuu si fiican u mareeyey qoondada dowlagu ugu tala gashay maxaabiista taas oo ah 60 dollar bishii, maxaabiista ayaa durbadiiba ku wargaliyey ehelkooda inay iska dhaafaan cuntadii loo keeni jiray kadib isbadalka deg dega ah oo Gen. Bashiir ku sameeyye nolosha maxaabiista. Waxaa sidoo kale uu wax weyn ka qabtay  biyo la’aantii ka jirtay xabsiga iyadoo markii hore maxbuusku loo qorsheeyey 24-kii saac in 3 liter oo biyo ah u isticmaalo qubaysa, weyso, cabitaan, iyo suuli, waxaana maxbuusku waqti badan galin jirey sida uu ilaanshan lahaa biyihiisa yarka ah.

Gen. Bashiir ayaa meesha ka saaray dhamaan dhibaatooyinkaas, wuxuu islamarkiiba bilaabay inuu sameeyo dhismayaal si maxaabiista looga kala yareeyo culayska iyo ciriiriga ka jira qololka, wuxuuna xabsiga balaarintiisa iyo qalabayntiisa kala kaashaday shirkado Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay shirkada Hormuud, waxaana uu suurtagaliyey oo kale inuu kala saaro maxaabiista si kuwa danbiyada yar yar loo haysto madaxweynaha cafis u weydiiyo, halka kuwo kale oo u xirnaa lacago ay xadeen ama dayn lagu lahaa uu bixiyey lacagahaas kadibna la sii daayey. Waxaa sidoo kale ka soo saaray saraakiishii ciidanka Asluubta qolol yar yar oo jajabsan oo ay la dhex fadhidayeen Teebkii wax lagu qori jiray 30 sano kahor isagoona u sameeyey xafiisyo qalabkooda u dhan yahay una dayactiray qaybo ka mid ah xafiisyada Wasaarada Cadaalada oo wada shaqayn ay ka dhaxayso.

Gen. Bashiir mudo ka yar lix bilood ayaa waxaa maxaabiistu heleen qolol ay seexdaan, telefishino ay daawadaan, cunto sadex waqti ah, barashada farsamooyin gacanta iyo barxado ay ku nastaan kuna cayaaran galabtii. Waxaa kale oo u howlgalay sidii xabsi weyn looga hirgalin lahaa xaruntii Asluubta ee ku taalay Ex-control Afgooyo, iyadoo dhawaan xariga laga jaray mid ka mid ah xabsiyada ugu casrisa qaarada, isagona ku soo siyaadiyey warshad samaysay qalabka guryaha iyo xafiisyada, gawaarida bullet proof-ka ah, warshada marmarka samaysay iyo dayactir uu ka sameeyey goobo taariikhi ah sida Dhagax Tuur iyo Xaawo Taako.

Ciidanka Asluubta oo Gen. Bashiir ka hor ahaa kuwo maxaabiista uun la nool ayaa uu ka dhigay kuwa ka qayb qaata sugida Amniga qaybo kamid ah caasimadana ay la wareegeen amnigeeda, wuxuu uu keenay qalab, hub iyo gawaari, wuxuu ka mid noqday talayayaasha ku jira gudiga Amniga oo madaxweyne Farmaajo uu gudoomiye u yahay.

Waxaan cabsi ka qabaa in dhamaan arrimhaas uu sameeyey Gen. Bashiir in dib u dhac  ku yimaado lana higsan waayo qorshayaashii kale oo uu dagsanaa, sababtoo ah Gen. Bashiir waa nin dowlad yaqaan ah, bulshada xiriir dheer la leh, yaqaana sida caalamka loola shaqeeyo. Waxaan aad u rajaynaa in taliyaha cusub Gen. Mahad uu meeshaas kasii amba qaado horamrka muuqada oo maanta ay ku talaabsadeen Ciidanka Asluubtu.

W/Q Diraac Fagaase

dhoodi222@gmail.com

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *