golis

Roobab ka da’ay Hargeysa oo waxyeelo balaaran Gaystay

Xubno uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeer ku soo maray khasaaraha uu geystay roob laxaadleh oo ka da’ay galabta Magaalada Hageysa iyo Nawaaxigeeda, kaasoo geystay khasaare balaadran oo naf iyo maalba leh.

Waxaana Madaxweynaha warbixin ka siiyey khasaaraha roobku geystay masuuliyiintii ku hawlanaa gurmadka iyo samato-bixinta dadkii uu waxyeeleeyey roobku, waxaanu madaxweynuhu kormeer ku tegay cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu shacbiga Somaliland si toosa ugala hadlay television-ka qaranka Somaliland, waxaanu madaxweynuhu xusay in 18 qof ku dhaawacmeen, saddex ruuxna ku geeriyoodeen, iyadoo uu khasaare laxaadlehna uu geystay roobkaasi, welina lagu jiro gurmadka iyo baadi goobka waxyeelada roobkaasi keenay.

HORSEEDMEDIA