golis

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Garoowe Dib Ugu Soo Laabtay (SAWIRRO)

Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta soo gaaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo mudo kooban ka maqnaa Puntland oo dalka dibadiisa safar ugu maqnaa

Garoonka Diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir waxaa Wasiirka ku soo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hoggaaminaayay Wasiir ku Xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi.

Wasiirka ayaa xildhibaanadii iyo Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha uga mahad celiyay soo dhowayntooda.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa safar qaatay mudo ka badan tobon cisho ku aaday Dalka Sweden dib na ugu soo laabtay Puntland.

HORSEEDMEDIA