golis

Axmed Madoobe oo Warqad u diray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa warqad qoraal ah oo uu u diray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu ku dalbaday in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya.

 Qoraalka wuxuu ku sheegay inaysan suurtagal ahayn inuu soo socdo khilaafka iyo isggaran waaga ka jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedka

“Waxaan soo jeedinayaa innagoo u hoggaansamayna dastuurka iyo shuruucda dalka u degas oo kala qeexaya awoodaha ay kala leeyihiin labadda heer dowladeed in man si dhakhso u dhamayno khilaafka soo jiitamay ee aan wax natiijo ah laga gaareynin” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Qoraalkaan ayaa imaanaya iyadoo maanta ay Golaha Wasiirraada Xukuumadda Federaalka ay taageereen go’aankii Wasaaradda arrimaha Gudaha ee 22kii bishan Agoosto ay ku caddeysay inaysan oqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii aan loo marin habraaca saxda ah ee ka dhacay magaaladda Kismaayo.

HORSEEDMEDIA