golis

Amniga Dhuusa-mareeb oo lagu wareejinayo Amisom.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Dhuusa-mareeb kulan kula qaatay Taliyaha Guud ee Ciidama Amisom General Tigabu Yilma, Wasiirka oo kulanka ka dibWarbaahinta la hadlay waxa uu tilmaamey in Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM kawada hadleen Sidii AMISOM ugu qayb qaadan lahaayeen Sugida Amniga Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.


Wasiir Ducaale waxa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Amisom la keeni doono ” Ciidamada AMISOM ee la geynayo Dhuusamareeb waxa ay noqon doonaan kuwo lagu xoojinayo Ammaanka Magalada Dhuusamareeb si loo suurta geliyo Doorasho xor iyo Xalaal ah ”
Dhawaanahaan waxaa jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay Maamulka Ahlu-Sunah Wal-Jamaaca iyo Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya kaas oo la xiriira heshiisyo horey loo gaaray, Gal-Mudugna waxay u diyaar-garoobaysaan doorashada hogaanka u sareeya maamulkaas.

Horseed Media – News Desk