golis

Ciidamo ka socda Jabuuti oo gaaray Dhuusamareeb.

Ciidamo ka socda Dalka Jabuuti oo qayb ka ah hawl-galka Amisom ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, Ujeedada ciidamada ayaa lagu sheegay in ay sugi doonaan amniga shirka dib u heshiisiinta ee Galmudug ka furmaya iyo hawlaha maamul dhisida ee Deegaanada Galmudug.

Gawaarida xamuulka ah iyo kuwa gaashaaman ee Ciidamada Jabuuti ayaa lagu arkayay gudaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay saldhig ka sameysteen xarumo ku yaalla gudaha Magaalada iyo Garoonka diyaaradaha.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Dawlada iyo Masuuliyiin ayaa ku soo dhaweeyay ciidamadaan gudaha Dhuusamareeb, waxayna kasoo kiciteen degmada Beledwayne xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka Amniga Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya uu sheegay in ciidamo ka tirsan Amisom ay imaan doonaan Dhuusmareeb kuwaas oo qayb ka noqon doona ciidamada sugaya amniga, Ahlu Sunah ayaan dhankeeda ka hadal sida ay u aragto ciidamada soo gaaray Dhuusa-Mareeb.

Horseed Media- News Desk