golis

Talibaan oo Weerar Kedis ah Ku Qaaday Magaalada Kundus

Malayshiyada Talibaanka ayaa shalay oo jimce ah weerar kedis ah ku qaaday Kundus oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkaasi Afganistan.

Afhayeen u Hadley Taalibaanka oo lagu magacaabo Sabiibul Laaahi ayaa sheegay in ay dhowr jiho ka soo weerareen magaaladda iyagoo qabsaday dhismayaal muhiim ah oo dowladda afganistan leedahay, dagaalka ayaa weli ka socda dhowr xaafadood oo magaaladda.

Talibaanku waxay kale qabsadeen Cusbitaalka magaaladda, Xarunta dowlada hoose iyo goobo kale, waxaa go’an adeegyadii korontada iyo telefoonadda, sidoo kale ganacsigii iyo isu socodkii dadka ayaa gebi ahaanba istaagay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Afganistan ayaa sheegtay in dagaalka Kundus lagu dilay 34 ka tirsanaa maleeshiyaadka Talibaanka ee soo weeraray magaaladda, hase ma sheegin khasaaraha soo gaaray ciidamada dowladda

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalkaasi Qadar uu ka socdo wadahadalada u dhaxeeya Maraykanka iyo Talibaan kaasi oo lagu doonayo in nabad laga dhaliyo Afganistan taasi oo horseedi doonta in kumaankun askari oo Maraykan ahi ay ka baxaan dalkaasi oo ay ku sugnaayeen ilaa sanadkii 2002 oo maraykanku uu xukunka ka tuuran Taalibaan.

HORSEEDMEDIA