golis

Alshabaab oo Lagala wareegay tuulooyin dhowr ah oo Ku Yaal Xadka Labada Shabeele

Howlgallo ay ciidamada milateriga dowladda federaalku Xoogga dalka ay ka sameeyeen xadka labada Shabeelle ayay kula wareegeen deegaanno maleeshiyada Al-shabaab ay haysteen

Meelaha ay Ciidamadu kala wareegeen a Al-shabaab waxaa ka mid ah Kaxarey,Busley iyo  tuulooyin kale oo ku yaalla xuduuda gobollada Shabeellada hoose iyo Shabeellada dhexe,kuwaasi oo khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka alshabaab, siday sheegtay dowladda federaalku.

Taliyaha Ururka 35aad, guutada 7aad, qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka, G/sare Cali Cabdullaahi Caraaye (Foofoo) oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen dhammaan tuulooyinkaas, isagoo tilmaamay in ay sii wedi doonaan howlgalada ka dhanka ah alshabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ay gubeen gaadiid maleeshiyaadku ay lahaayeen, isagoo sidoo kale tilmaamay in Ciidamadu tuulooyinka ay ka xoreeyeen maleeshiyada Al-shabaab ay shacabka dhibaato xooggan ugu geysan jireen, waxaana uu sheegay in shacabku si weyn usoo dhaweeyeen Ciidamada Qaranka ee naftooda u huray in ay Cadowga ka dul qaadaan Shacabka Soomaaliyeed.

HORSEEDMEDIA