golis

Faahfaahin kasoo baxaysa Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Gaari Noaha ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa saaka ku qarxay afaafka hore ee laga soo galo Magaalada Muqdisho gaar ahaan aaga Ex-Control Afgooye, Gaariga ayaa lagu waramayaa in ay saarnaayeen dabley hubaysan iyo dareewalka.

Qaar ka mid ah ciidamada Policeka ee ku sugnaa goobta oo ah mid lagu baaro gawaarida galaysa caasimada ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxa sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen Goobjoogayaal.