golis

70 Qof Oo Loo Xirxiray Weeraro iyo Bililiqo loo Gaystay Ajaaniibta Koonfur Afrika

Ugu yaraan 70 qof ayaa loo xirxiray weeraro iyo bililiqo loo gaystay ganacsatada ajaaniibta ah ee ku nool magaalooyinka Johannsberg iyo Durban ee dalkaasi koonfur afrika.

Xariga dadkan ayaa yimid ka dib markii maalintii Axad ay kooxo dhalinyaro u badan oo burcad ah oo bililiqo doon ahi ay saddex qof nolosha ku gubeen degmada ganacsiga jeppestown ee magaladda Johannesberg.

Dhalinyaradan ku kacsan ajaaniibta ayaa weerar ku qaadeen goobaha ganacsiga iyo guryaha ay degan yihiin dadka ajaaniibta, iyagoo bililiqaystay kadibna gubay.

Dhalinyarada bililiqo doonka ahi waxay koo gubeen ilaa 50 baabuur.

Dad biliqaysanaya Dukaamo ay leeyihiin ajaaniibta degan Magaaladda Johannesberg

Boolis aad u hubeysan ayaa la geeyay jidadka degmada ganacsiga ee Johannesberg, waxayna xirxireen dhalinyaro haystay alaabo ay ka soo bililqaysteen dukaamada dadka ajaaniibta.

Dukaamada la dhacay waxaa intooda badan lahaa ganacsato u dhashay wadanka Nayjeeriya. Dowladda Nayjeeriya ayaa walaac ka muujisay weeraradu lagu qaadayo muwaadiniinteeda ku nool koonfur Afrika.

Baabuur la Gubay

Weeraradan ajaaniibta lagu beegsanayo waxay imaanayaan iyadoo Madaxweynaha Nayjeeriya Maxamed Bohaari la filayaa inuu booqasho ku tago dalkaasi Koonfur Afrika.

HORSEEDMEDIA