golis

Alshabaab iyo Ciidamada Dawlada oo dagaal ku dhex maray Buulo-Barde.

Ururka Alshabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidmada dawlada iyo kuwa Amisom ee ku sugan galbeedka degmada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan, dagaalkaan ayaa intii uu socday waxaa laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida warbaahinta gudaha ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Masuuliyiinta Degmada Buulo-Barde ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarkaas oo ka dhacay deegaanka Qansaxle ee galbeedka degmada Buulo Burde. sidoo kale Alshabaab ayaa sheegatay in ay dileen shan askari oo ka tirsan dawlada ka dib dagaal ka dhacay inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buulo Burte.