golis

Muuse Biixi oo la Kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti ismaaciil Cumar Geele ayaa qasriga madaxtooyada caasimadda Jabuuti ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hoggaamiyo oo maanta booqasho ku tegay dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Ujeedada safarka madaxweynuhu uu la xiriiro xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

weftiga madaxweynuhu ayaa markii ay gaareen magaaladda Jabuuti waxay si rasmi ah u gudo-geleen hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen, iyagoo la kulmay madaxda sare ee jabuuti.

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

HORSEEDMEDIA