golis

Furitaanka Shirwaynaha Dib-u heshiisiinta Galmudug oo dib u dhacay.

Wararka aan ka helayno Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galguduud ayaa tibaaxay in uu dib u dhac ku yimi shirkii dib u heshiisiinta Galmudug oo lagu waday in uu maanta Furmay.

Gudigga dib u heshiisiinta Ayaa sheegay in cilad farsamo uu shirku u baaqday, marna aysan sheegin xili uu furmi doono.

Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maalmahan ku sugnaa Dhuusa mareeb isagoo kulamo la qaatay Maamulka Ahlu-Sunah iyo Ciidamada Dawlada.

Dhanka kale waxaa hobyo isna ka socda shir ay isugu yimaadeen beelaha dega Galmudug qaarkood kaas oo ay uga tashanayeen aayahooda, Odayaasha Cadaado ayaa iyaguna ka biyo diiday ka qaybgalka Shirka Dhuusmareeb iyagoo ku xiran shuruud ah ilaa inta la xalinayo tabashadooda in aysan gogoshaan tagi doonin cidnana ku matalin.