golis

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo la kulmay saraakiil ka socota Safaarada Turkiga.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Dalka Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa Maanta Xarunta Taliska Ciidanka boliiska kulan kula qaatay Saraakiil ka socota Safaarada Turkiga ee muqdisho qeybteeda U qaabilsan Tababarada boliiska soomaaliyeed.

Saraakiishan ayaa warbixin dheer ka siiyay Taliyaha Tababarada ay Gacanta Ku hayaan iyo waxyaabaha u qorsheysan mustaqbalka dhaw. Taliyaha Ciidanka Boliiska S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa dhankiisa Soo dhaweeyey Xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Kan Turkiga asagoo ku bogaadiyey inay sii wadaan gacan siinta Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamadooda kala Duwan.

Ugu danbayn Taliyuhu wuxuu balan qaadey inuu albaab kasta u garaaci doono sidii wax loogu qaban lahaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.