golis

Danjire Cali Fiqi ” Mowqifka rasmiga ee dowladda waa in dacwadaas aan dib loo dhigin”

Cali Saciid Fiqi Danjiraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya u fadhiya Midawga Yurub ayaa sheegay in mawqifka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya uu yahay in aan marnaba dib loo dhigi dhagaysiga dacwada kala dhaxaysa Dalka Kenya ee ku salaysan xadka Badda laba wadan.


Danjire Fiqi wuxuu sheegay in ay doonayaan in dacwadaasu ay halkeeda kasii socoto maadama ay 5 sano jiitamayso. “ Mowqifka rasmiga ee dowladda waa in dacwadaas aan dib loo dhigin, in meesha ka sii socotay muddo shan sano ayay soo socotay, waqtigeeda waa la gaaray in maxakamda dhageysato, taas ayaa mowqifkeenu yahay ” ayuu yiri Mr Fiqi.


Dawlada Kenya ayaa iyadu fasaxday dhamaan qareenadii u doodayay kiiskeeda waxayna maxkamada ka dalbadatay in dib loo dhigo, Maxkamada ayaa goaankeeda ugu horeeya ee dalbashada dib u dhigista dacwada soo saari doonta maalinka Jimcaha, Dhanka kale Danjire Fiqi wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda, shacabka Soomaaliyeed ayuuna ka codsaday in ay u kalsoonadaan Dawladooda.