golis

ICJ oo dib u dhigtay Dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya u dhaxaysan.

Maxkamada Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa mudo 2 bilood ah dib u dhigtay Kiiska dacwada badda ee u dhaxaysay Somalia iyo Kenya kaas oo lagu balan-sanaa in loo fariisto dhagaysigeeda bilawga bishaan.

Kenya ayaa horay dalab ugu gudbisay maxkamada kaas oo la xiriira in dib loo dhigo kiiskaan maadama ay fasaxday qareenadii u doodayay. Maxkamada ayaan war ay shaacisay goor dhawayd waxay 2 bilood ka dib u mudaysay dhagaysiga dacwadaan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midawga Yurub Danjire Ali Fiqi ayaa sheegay in ay dhankooda u diyaar garoobeen hortagida Maxkamada ICJ oo mudo 5 sano kiiskaan gacanta ku haysa.

Kenya ayaa dadaalo kala duwan ku bixisay sidii kiiskaan looga soo wareejin lahaa Maxkamada ICJ, wada-hadalna loogu dhamayn lahaa balse waxaa midaas ku gacan sayrtay Dawlada Federaalka ah Ee Soomaaliya.