golis

Koonfur Afrika oo xirtay Safaaradii ay ku lahayd Nigeria

Dowlada Koonfur Afrika ayaa si kumeel gaar ah u xirtay Safaaradii ay ku lahayd dalka Nigeria, kadib xiisadaha ka dhashay dhibaatada lagu hayo dadka reer Nigeria ee ku nool Koonfur Afrika.

Xukuumada Nigeria ayaa horey dib ugu yeeratay safiirkii ka joogay dalka Koonfur Afrika, go’aanka Koonfur Afrika iyaduna ku xirtay safaaradoodii Nigeria ayaa la xariirta xiriirka labada dal oo sii xumaanaya.

Waxaa sidoo kale iridaha loo laabay xarumaha shirkadaha waaweyn ee laga lahaa Koonfur Afrika oo ku yaal wadanka Nigeria, kadib markii goobahaasi ay shacabka reer Nigeria ku qaadeen weeraro aargoosi ah.

Rabshadaha ka socda dalka Koonfur Afrika ee lagu weerarayo ganacsatada ajaanibta ah ayaa waxaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay si gaar ah u saameysay kuwa u dhashay dalka Nigeria, waxaa sidoo kale dhibaatooyin badan loo geystay ganacsatada Soomaalida oo sanadihii lasoo dhaafay boob iyo dil lagu hayey.

Horseed Media
News Desk