golis

Shirkii Dib-U heshiisiinta Galmudug oo dhuusa-mareeb ka furmay.

Waxaa caawa Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug ka furmay shirka dib u heshiisiinta Gal-mudug oo ay ka qaybgalayaan Ergo kor u dhaafaysa 500 oo Xubnood kuwaas oo kala matalaya deegaanada Galmudug.

Raysal-Wasaaaraha dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir , Golaha Wasiirada DFS iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Marti-sharaf kale ayaa ka qaybgalay Furitaanka Shirka.

Waxaa si qoto-dheer looga hadlay ahmiyada uu shirkaan leeyahay, Wada noolaashada bulshada, Amniga, Midawga iyo wax wada-qabsiga iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo wada dhanyahay.