golis

Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa dhintey isaga oo 95 sano jir ah.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtey in Mugabe ku geeriyoodey Isbitaal ku yaala dalka Singapore, halkaas oo lagu daweynaayey sanadkii u danbeeyey, tan iyo bishii Abril waxa uu ku jirey Isbitaalka.

Mugabi waxa uu xukunka Zimbabwe hayey muddo 37 sano ah, isaga oo isu beddelay Raysalwasaare iyo Madaxweyne, waxa uu noqdey hoggaamiyihii u horeeyey ee dalkaas kadib markii ay xornimada qaateen. Waxaa lagu khasbey sanadkii 2017 in uu xilka isaga dego, kadib markii ciidamadu ka hor yimaadeen.

Waxa uu ahaa nin u soo halgamey xornimada dalkiisa oo xoriyadda qaatey sanadkii 1980, waxaana gumeystuhu u aqoon jirey Roodhiisiya, waxaa muddo dheer saarnaa dalkiisa cunno qabateyn ay ku soo rogeen dalalka reer galbeedka, iyaga oo ka cayriyey dalakka Barwaaqa-sooranka kadib markii uu amar ku bixiyey in caddaanka haysta beeraha dalkaas lagala wareego.

Horseed Media