golis

PUNSA oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqday in uu deg deg u farageliyo hakadka ku yimi shahaadada dugsiyada sare ee Puntland.

Dallada ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada Rayidka ah ee Puntland PUNSA ayaa war-saxafadeed ay soo saartay waxay ku baaqday in dib loo fasaxo bixinta shahaadooyinka ay ardaydu qaadan lahayd taas oo ay xanibtay DFS, waxayna codsadeen in aan la siyaasadayn arimaha waxbarashada maadama ay ardaydu 12 sano wax soo baranayeen.

PUNSA waxay ugu baaqday Madaxweynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo in uu soo farageliyo arimahaan, Maamulada dalka iyo Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayay ugu baaqeen in miiska wada-hadalka ay isugu yimaadeen, lana dardargeliyo dhamaystirka Dastuurka oo ay sheegeen in uu yahay xudunta khilaafka.

Horseed Media, 2019