golis

Raysal-Wasaare Khayre oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Xasan Cali Khayre Raysal-Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.
Raysal-wasaaraha iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulkaas Cabdi-Casiis Lafta-Gareen iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.


Ujeedada booqashada raysal-wasaare khayre ee Baydhabo ayaan si rasmi ah loo ogayn, mudada uu joogo waxaa lagu wadaa in kulamo la qaato madaxda dawlada iyo Bulshada Deegaanka. Raysa-wasaaraha ayaa kasoo kicitimay dhawaan Magaalada Dhuusa-Mareeb halkaas oo uu kasoo daah-furay shirka dib-u-heshiisiinta bulshada Galmudug, sidoo kale waxa uu booqday degmooyin ka tirsan Gal-mudug.


Horseed Media, 2019.