golis

Wasaarada Ganacsiga Puntland oo Xafiis cusub ka furatay Degmada Qardho.

Shirkaan oo ka qabsoomay xarunta Wasaarada Maaliyada Puntland ee Degmada Qardho ayaa looga hadlayay dardargelinta hawlaha shaqo ee Wasaarada Ganacsiga, Warshada iyo Maalgashiga Puntland, waxaa layla jeex-jeexay muhiimada ay leedaha in ganacsatada Degmada Qardho iyo Guud ahaan Gobolka Karkaar lagu wacyigeliyo qaadashada shatiyada iyo bixinta canshuuraha ku waajibay.


Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Puntland Cabdisamed Maxamuud Maxamed, Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Ciise Boss, saraakiil ka tirsan Wasaarada Gancsiga, Isuduwaha Gobolka Karkaar ee Wasaarada Axmed Maxamed iyo madax kale ayaa ka qaybgalay kulankaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Cabdisamed Maxamuud oo ugu horayn goobta ka hadlay waxa uu sheegay in Wasaaradu ay dadaal adag gelinayso dhismaha xafiisyada wasaarada ee Gobolada, ayna rabaan in si toos ah loola shaqeeyo, waxa uuna hoosta ka xariiqay in ganacsatada looga baahan yahay in ay diiwaan-gashadaan ganacsigooda, dawlada cusubina ay ku dadaashay in ay xaliso tabashooyin soo laab-laabtay. maantana ay si rasmi ah u daahfureen xafiis cusub oo Wasaarada ay yeelanayso.
Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Ciise waxa uu sheegay in Wasaarada Ganacsiga ay si dhaw u shaqeeyaan uuna ku faraxsan yahay in maanta ay kulan wada-yeeshaan, waxa uu sheegay in ay iska kaashan doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga dawlada, looguna guuleysan lahaa soo xaraynta candhuuraha dawlada si bulshada Puntland wax muuqda oo macno leh loogu qabto, dawlada cusub ee uu madaxweyne Deni hogaamiyona ay midaas ka goantahay.


Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye oo dhankiisa kulanka ka hadlay waxa uu ku amaanay wasaarada Ganacsiga xafiiska cusub ee ay maanta daah-fureen kaas oo loogu adeegayo Bulshada, ” Horay ayaan isu-duwaha isu aragnay, waana ka sheekaysanay caqabadaha jira, waana rajaynayaa in xal-waara laga gaaro” Wasaaradaha kale ayuu gudoomiyuhu faray in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay Gobolka Karkaar ka hayaan.

Horseed Media, 2019.