golis

Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qaybgalay Shirka Gollaha Ammaanka ee Newyork

Kadib markii uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib u celiyay dhalashadii iyo Baasaboorkii Maraykanka waxaa uu sanadkan ka qaybgalya kullanka loo than yahay ee Qaramada midoobay ee ka dhacaya Newyork.

Wasiirka qorshaynta dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xasan oo Baydhabo ka hadlay ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu uu sanadkan ka qaybgali doono shirkadda Qaramada Midoobay.

“Waxaa soo socda Shirkii la isugu imaanaayo ee Somaliya & Beesha Caalamka Xamar Bisha dambe bilowgeeda, diyaargarowga Shirka & Is xogwareysi ayaa laga hadlaayay, Shirka Qaramada Midoobay ayuu Madaxweynaha aadi doonaa, waxaana rajeynayaa inay wax fiican ay ka soo baxaan.” Ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Madaxweyne Farmaajo ayaan ka qaybgalin kulanka gollaha aammaanka oo sanadkiiba mar la qabto, Ra’isul Wasaare Xasan Cali khayre iyo wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.

HORSEEDMEDIA