golis

Wasiir Goodax Oo Sheegay In Xal Laga Gaaray Cabashadii Ardayda Puntland

Wasiirka waxbarashada dowladda Fededraalka Soomaalia Cabdullaahi Goodax barre oo la kulmay qaar ka mid ah xildhibaanada laga soo door to Puntland ayaa sheegay in dhawaan dadka la wadaagi doonaan heshiis laga gaaray khilaafkii Dowladda iyo Puntland ee shahaadada dugsiga sare ee ardayda Puntland

Wuxuu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sida ugu dhow ee Ardayda Puntland ay shahaadada ku heli lahaayeen.

“Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax.

Puntland ayaa sanadkii hore diiday inay ka qaybgasho imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, arrintaas oo ku sababaysay inay muddo dheer ku soo hawlgalay imtixaan shahaadi ah oo u gaar ah.

HORSEEDMEDIA