golis

Burkina Faso: Dad badan oo ku dhintay weeraro ay geysteen maleeshiyaadka hubeysan

A member of Burkinabe Special Program Embassy Augmentation Response (SPEAR) unit moves a role player to a secured location during a simulated terrorist attack in Ouagadougou, Burkina Faso on Feb. 27, 2019 during Flintlock 2019. Trained and equipped by the U.S. Department of State’s Antiterrorism Assistance program, SPEAR is a quick response force responsible for responding within minutes to emergencies involving U.S. diplomatic facilities or personnel. This year they participated in Exercise Flintlock 2019 in order to enhance their effectiveness and interoperability with other units. (U.S. Army photo by Staff Sgt. Anthony Alcantar)

Dowlada Burkina Faso ayaa sheegtay in weeraro dhacay Axadii shalay ay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof oo rayid ah deegaanada Waqooyi-Bari ee dalkasi.

In ka badan 15 qof ayaa ku dhintay gaari ay saarnaayeen dad badan oo la sheegay in lagu qarxiyey miino dhulka lagu aasay, halka in ka badan 10 qof oo kale lagu dilay weeraro lagu qaaday gaadiid gargaar u siday dadka ku barakacay dagaalada iyo xiisada ka taagan Waqooyi Bari dalkaasi.

Maleeshiyaadka hubeysan oo intooda badan kasoo tilaabay xadka dalkaasi la wadaago wadanka Mali ayaa saameyn weyn ku yeelatay gobalada Waqooyi-Bari ee dalka Burkina Faso tan iyo sanadkii 2015.

Dhamaadkii bishii hore ee Agoosto ayaa weeraro lagu qaaday saldhigyada Militariga wadankaasi ku leeyahay gobaladaasi lagu dilay in ka badan 23 askari.

Horseed Media
News Desk