golis

Somaliland oo soo saartay Amar hoos loogu dhigayo wararka Soomaaliya.

War-saxafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa warbaahinta madaxa banaan ee fadhigoodu yahay Somalind ku amartay in ay wararka Somaliland ugu horaysiiyaan war tebintoooda, sidoo kalena waxaa la faray warbaahinta in Wararka Somalia lagu daro kuwa caalamka.

War-saxafadeedka ayaa lagu sheegay in kulan lala qaatay Tvyada laga leeyahay Somaliland kulankaas oo ahaa mid lagu xoojinayo wadashaqaynta Wasaarada iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay. Amarka ayaana la sheegay in uu ku dhaqan geli doono mudo laba Asbuuc ah.

Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaan si rasmi ah war-saxafadeedkaan ugu cadayn in ay iyagana la kulmi doonaan warbaahinta kale ee ka hawlgasha gudaha Somaliland.

Horseed Media, 2019