golis

Al Shabaab oo ku fashilantay weerar ay ku qaaday Garbahaarey – Gedo

Xoogaga Al Shabaab oo xalay isku dayey inay galaan saldhiga ciidamada Dowlada Federaalka ku leeyihiin degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo ayaa la sheegay in dagaalkaasi looga dilay tiro maleeshiyaad ah.

Dagaalkan oo la sheegay inuu xalay socday muddo ka badan hal saac ayaa la sheegay inuu joogsaday kadib markii xoogaga Al Shabaab ee goobtaasi soo galay dib loo riixay, saraakiisha dowlada ee ku sugan deegaankaasi ayaa sheegay in ay dagaalkaasi ku dileen qaar kamid ah horjoogayaashii kooxda Al Shabaab ee soo weerartay, iyagoo intaasi raaciyey inay ku raad joogaan maleeshiyaadkii ku firxaday dhulka kaymaha ah.

Maaha markii ugu horeysay ay xoogaga Al Shabaab ee gobalka Gedo isku dayaan inay weerar ku qaadaan saldhigyada ciidamada, walow bilihii lasoo dhaafay ay muuqatay in kooxda ku guuleysan weyday inay la wareegaan saldhiyada ciidamada SNA oo ay bartilmaameedka ka dhiganayeen.

Horseed Media
News Desk