golis

Baydhabo: Khayre Oo Booqday Ciidamo Booliis Ah Oo Tababar Ku Jira

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Khayre oo booqashada ku jog magaaladda Baydhabo ayaa booqasho ugu tegay 415 Aaskar Booliis ah oo tababar ku jira, kuwaasoo loo diyaarinayo ka qayb qaadashada sare u qaadidda amniga maamulka koonfur Galbeed

Ra’iisul Wasaaraha oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan, si ay ugu fududaato u adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Ciidamada oo Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa marka ay dhameystaan tababarka waxaa loo qeybinayaa qayb ka ku biirta howl gallada amniga lagu sugayo iyo qayb tababar dheeraad ah la siiyo si ay ugu mid noqdaan ciidamada booliiska gaarka u tababan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.

Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso.

HORSEEDMEDIA