golis

Raysal Wasaare Khayre oo ku wajahan Magaalada Xudur.

Xasan Cali Khayre Raysal-Wasaaraha DFS iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, Amaanka magaaladaas ayaa si wayn loo sugay iyadoo ay gaareen wafti hordhac u ah booqashada raisal wasaaraha.

Xasan Cali Khayre ayaa inta uu joogo Xudur waxa uu booqan doona xarumaha ciidamada ee Degmada Xudur, Xarumaha loogu adeego bulshada Sidoo kale waxa uu kulamo la qaadan doona qaybaha kala duwan ee Bulshada ee ku nool degmada Xudur. Isagoo ugu danbaynta dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed.

Horseed Media, 2019.