golis

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo 3 maalmood la hakinayo

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegay in muddo toddobaad ah la hakiyay bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah guud ahaan dalka, Bixinta Baasaboorka ayaa la joojin doonaa laga bilaabo 14ka bishan September iyadoo dib loo bilaabayo 21ka bishan.

“Arrimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda Socdaalka.

Horseed Media, 2019